Dowladda Puntland iyo Maraykanka oo ka Wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha Hay’adaha Amniga

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magaalada Nairobi Shir kula yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada.

Dowladda Puntland iyo Safaaraddaa Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.”

“Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland, sida ay sheegtay Puntland State House.

Halkan ka eeg Sawirada Shirka

PUNTLAND POST