Wasiir Biixi Imaan oo faahfaahin ka bixiyay Shirkii dowladda iyo ganacsatada Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa faahfaahin ka bixiyay shir gaar ah oo xalay dhexmaray Ra’iisul wasaare Xamse iyo ganacsatada Muqdisho.

Wasiir Biixi Imaan ayaa sheegay in laga heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatada Muqdisho islamarkaan ay dowladdu si deg deg ah u xallinayso halka sida uu tilmaamay ganacsataduna diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in la isku afgartay in cabashadii ay ganacsatadu muujiyeen in laga soo saaro go’aanno dowli ah oo wax looga qabanayo inkastoo aanu sharraxaad ka bixin go’aamadaasi.

Sidoo kale wasiirka waxa uu tilmaamay in dhammaan waxyaabaha la xariira Maaliyadda la marin doonno hannaaka maaliyadda dowladdda taasina ay ku jirto Canshuurta iibka oo la isku afgartay in dowladda sidii ay u mudeysay loo qaado oo aysan waxba iska baddelin.

PUNTLAND POST