Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ganacsatada Muqdisho oo ka wada-hadlay cabashooyinka Canshuurta iibka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay shir la yeeshay xubno ka tirsan ganacsatada magaalada Muqdisho oo ka cabanaayay canshuurta iibka ee dowladdu saartay.

Shirka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo ganacsatada Muqdisho ayaa looga hadlay arrinta canshuurta iibka oo ay ganacsatada ku soo rogtay dowladda islamarkaana sheegtay in lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen haddana Xukuumadda iyo ganacsatadu isla qaateen bixinta Canshuurta Iibka.

“Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

PUNTLAND POST