Dowladda Federaalka oo shaacisay in ay Puntland ku wareejisay lacag dhan $6,348,826 oo kab Miisaaniyadeed ah

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa shaaciyay in Wasaaradda Maaliyadda DFS ay Puntland ku wareejisay lacag dhan $6,348,826 oo ah kab miisaaniyadeed.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan  lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed” ayuu yiri Cabdiqafaar Xaange.

Wasiir Xaange ayaa sheegay in dhammaan lacagahaas uu codsaday Madaxweyne Siciid Deni in lacagahaas oo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada dowladda Puntland balse wuxu ku eedeeyay in uu hor istaagay Mashaariicdii laga fulin Puntland.

“Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo  islamatkaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar” ayuu sii raaciyay Xaange.

PUNTLAND POST