
Ruushka ayaa ku eedeyay Ukraine inay u adeegsatay gantaalka uu Mareykanka soo saaro ee HIMARS, si ay u burburiso buundada wabiga Seym ee gobolka Kursk ee dhulka Ruushka.
Waxa uu sheegay in halkaasi ay ku dhinteen dad Ruush ah oo isku dayay inay daad-gureeyaan rayidka ku go’doonsanaa wabiga Seym , sida ay sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, Maria Zakharova.
Ciidanka Ukraine ayaa markii u horreysay taariikhda muddo 11 maalin ah gudaha ugu jira dhul ballaaran oo Ruushka ah, taa oo la sheegay inay u horseeday Putin jahwareer iyo dayaacad su’aal lagu gelinayo awoodda militari ee Ruushka iyo sida uu u ilaalsan kari waayay dhulkiisa, iyadoo markaa is barbar dhig lagu sameeynayo waxa dhici lahaa haddii xudduudaha Mareykanka ay gudaha u galaan ciidan ku soo duulay.
Horey , Putin wuxuu u sheegay mar kasta oo ay khasaaro geystaan hubka reer galbeedka inuu qaadi doono tallaabo aargoosi ah oo ka dhan ah dalka iska leh hubka ay adeegsato Ukraine , balse hadda xaaladda uma wanaagsana Putin , kaasoo la filayo inuu isbeddelo deg deg ah ku sameeyo hoggaanka militariga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.