
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Caawa hadal jeedin sameeyay ayaa mar kale ka hadlay Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya kadib is afgaradkii ay la saxiixatay maamulka Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan Itoobiya Soomaaliyaba u aqoonsaneyn dal jira oo madax banaan, ayna taasi keentay in uu fashilmo shirkii Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay in aysan Taako dhul Soomaaliyeed ah ka tanaasuli doonin, una ogolaan doonin damaca Itoobiyaanka ee bahalnimo.
Halkan ka daawo hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.