
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo heerkeedu sarreeyo kadib markii Furuqa daanyeerka oo si xawliya ku faafaya uu ka dillaacay qaar kamid ah dalalka Afrika.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurkaasi oo kasoo billowday Congo ayaa hadda ku faafay inta badan dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhaw sida Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda.
Furuqa daabyeerka ee Mpox waxa uu gaaray 16 dal oo ka tirsan Afrika , tan iyo 4 bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqaasi ah iyo dhimashada 517 tan iyo bishii Jannaayo.
Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.