Dowladda Itoobiya oo mar kale war ka soo saartay arrinta Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay Beesha Caalamku fahantay muhiimadda ay leedahay in ay Itoobiya marin badeed si nabada ku hesho.

Afhayeenka wasaaradda Arrmaha Dibadda ee dalka  Itoobiya ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka wareegga saddexaad ee wada hadallada uu Turkigu ku  dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan sheegay in aanay bad la’aan karin dadka  reer Itoobiya oo u tibaaxay in ay  kor u dhaafeen120 Milyan.

Addis ababa waxay u muuqata in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda ku aaddan raadinta marin badeed ku yaalla waddamada la jaarka ah gaar ahaanna kuwa ku dhaca Badda cas iyo gacanka Cadmeed.

PUNTLAND POST