
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan gala Gaza, uu Iran ka baajin karo in ay weerarto Israa’iil.
Iran ayaa wacad ku martay in ay Isra’il ku qaadi doonto weerar aargoosi, kaddib dilki magaalada Tehran loogu geystay hogaamiyihii Xamaas, Ismacil Haniyeh.
Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Iran ay ku gacan seeyrtay baaqyada reer galbeedka ee ahaa in ay “iska deeyso hanjabaadeeda aargoosiga.
Dowladda Iran iyo xulafadeeda ayaa Israa’iil ku eedeeyay dilka Ismaaciil Haniyeh 31-kii bishii July mar uu u tegayTehran dhaarinta madaxweynaha Iran Masoud Peze-shkian.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.