Ilhan Omar oo ku guulaysatay doorasho xasaasi ah oo si adag loogu loollamay

Marwo Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka.

Ilhan ayaa doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ah siyaasi dimoqraadi ah. Waana marki labaad oo xiriir ah oo ay Don ku garaaceyso doorashada is reeb reebka kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota.

“Waxaa sharaf ii ah in bulshadaydu ay u codaysay in ay dib iigu celiyaan Congress-ka. Guusha caawa waxay ina tusinaysaa in degmada shanaad ay aamminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aanu Washington ugu dagaalamayno,” ayay tiri marwo Ilhan guusha kadib.

Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa saaka si weyn u hadal-haya guusha taariikhiga ah ee Ilhan ka gaartay doorashadaasi oo lagu tilmaamay mid loollan adag ahayd.

PUNTLAND POST