
Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu dhex-dhexaadinayo oo xalay la isku mari waayay ayaa lagu wadaa in ay mar kale saaka ka furmaan magaalada Ankara.
Wada-hadalladii labada dhinac ee xalay ayaa sida wararku sheegayaan la isku mari waayay qaabka ay uga laabanayso Itoobiya MOU-gii Somaliland iyo qaabka loo qeexayo helidda marin biyoodka Itoobiya raadinayso.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Itoobiya ay dalbatay in iyaga iyo Soomaaliya ay marka hore heshiis badeed galaan oo Turkigu damaanad ka yahay halka dowladda Soomaaliya dalbatay in marka hore Itoobiya si cad uga baxdo MOU-gii.
Ilaa iyo hadda labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaalia ma dhexmarin wax wada-hadal toos ah islamarkaana waxa farriimaha u kala gudbinaya dowladda Turkiga sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyeed.
Wada xaajoodka ayaa xalay qaatay saacado badan waxaana mar kale loo ballansan yahay saakaTurkiduna wuxuu ku dadaalayaa in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.