Isimada Gobolka Mudug oo baaq ka soo saaray Mashruuca dhismaha Laamiga Gaalkacyo iyo Xarfo

Isimmada gobolka Mudug, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo, waxay ka soo saareen baaq la xiriira dhismaha waddada laamiga ah ee Gaalkacyo iyo degmada Xarfo.

Isimmada baaqa ku saxiixan ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka iyo Puntland doorkii ay ku lahaayeen mashruucan, si la mid ah deeq bixiyaasha mashruuc ayay Isimmada u mahadceliyeen iyagoo ugu baaqay in la horumariyo mashruucan oo ay doorkooda dhaqan ku soo dhaweyn doonaan.

Isimmada baaqa ku saxiixay ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Wasaaradda  Howlaha Guud ee Federaalka in ay garatay muhiimada amni, dhaqaale iyo horumarineed ee waddadan ay u leedahay gobolka Mudug iyo in ay fasaxday mashruucan oo muddo xayirnaa.

Ugu dambeyntii, Isimmada ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya mashruucan, si deg deg ah loo billaabo dhismaha dhismaha waddada laamiga ah ee Gaalkacyo iyo degmada Xarfo.

Halkan ka akhriso baaqa

PUNTLAND POST