Wada-xaajoodka Turkiga uga socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo weli la isku mari la’ yahay

Wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo
Illaa hadda labada dhinac dhex maray.

Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

PUNTLAND POST