Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka dhow ee labada dal iyo muhiimadda ay lee dahay Xasiloonida Gobolka.
“Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka”.
“Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.
Dhinaca kale, wejiga labaad ee Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar-wadeen ka tahay Turkiga ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.