Odayaasha gobolka Mudug oo madaxweyne Deni la wadaagay 12 qodob oo xasaasi ah

Inta uu socday kulanka madaxweyne, Siciid Deni iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug, waxay la wadaageen baahiyaha ka jira gobolka Mudug oo lagu soo koobay 12 qodob.

Qoraal diyaarsan oo ay Madaxweynaha la wadaageen odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ayay ku soo bandhigeen qodobada mudnaanta leh, ee ay doonayaan in wax laga qabto oo uu ugu horreeyo amniga gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa u ballanqaaday odayaasha in dawladdu ay dadaal gelinayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee ay u soo bandhigeen odayaasha.

Waxa uu intaasi ku daray in uu waqti sii joogi doono gobolka , si wax badan uu uga fahmo hababka ugu horumarsan ee baahiyaha ka jira gobolka wax looga qaban karo.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad , duqii hore ee degmada Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha ka hor akhriyay baahiyaha la isku raacay in ay wax ka qabasho deg deg ah u baahanyihiin ee ka jira gobolka Mudug.

Halkaan ka akhriso qodobada

PUNTLAND POST