
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa saaka xarunta Madaxtooyada kula shirsan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland ayaa saaka xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo kula shiraya odayasha dhaqanka iyo bulshada gobolka.
Shirka ka socda xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee madaxweynuhu la lee yahay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlayaa xaaladda gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa tan iyo intii uu Gaalkacyo tegey aan dhinacna u dhaafin xarunta Madaxtooyada islamarkaana waxa uu magacaabay guddi ka kooban wasaaradaha dowladda si ay qiimayn ugu sameeyaan xaaladda amniga Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.