Madax-dhaqameedku ma aha ma-qaldamayaal

Waa in Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow ay raalli-gelin buuxda siiyaan dadweynaha Soomaaliyeed, cafisna Eebbe weyddiistaan.

Muqdisho (Faallo PP) — Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed kaalin waxtar leh ayay ku leeyihiin nolosha Soomaalida. Kaalitaasi way sii kobocday burburkii dowladdii dhexe kaddib Janaayo 1991kii. Isbeddalladii ka dhacayay Soomaaliya tan iyo markaas ayaa saameyn ku yeeshay habdhaqanka madax-dhaqameedka Soomaaliyeed, saameyn wanaagsan iyo mid xun.

Waxa baraha bulshada aad u qabsaday maalmahan hadallo meel-ka-dhac ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida qeybihiisa suubban gaar ahaan waxa laga filayo madax-dhaqameedka Soomaaliyeed. Dhowaan waxaa booqasho ku tagay magaalada Boosaaso Garaad Jaamac Garaad Cali. Wuxuu jeediyay khudbad ku saabsan colaaddii Laascaanood sanadkii hore. Inkastoo colaadda uu aloosay maamulka Somaliland, Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu eedda saaray beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Dadka Muuse Biixi sida cad uga soo horjeestay oo la saftay dadka Laascaanood waxaa ka mid ah Boqor Cismaan Buurmadow oo dhowr jeer falcelis ka bixiyay hadallo ka soo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali.  

Siyaasadda maamulka ku meelgaarka ee Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC-Khaatumo) oo uu dhowr jeer goobo kala duwan ka sheegay hoggaamiyaha maamulka Cabdulqaadir Aw Cali waa in “maamulku uusan wax eed ah ka tirsanaynin beel Soomaaliyeed, in maamulka Somaliland uu qaadayo mas’uuliyadda gaboodfalladii dhacay sida duqeyntii iyo barakicintii muddo lix bilood uu maamulka Somaliland u geystay Laascaanood”.

Qeybo ka mid ah hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali uu ka jeediyay Boosaaso wuxuu xadgudub ku ahaa diinta Islaamka, dhaqanka suubban oo laga filayo madax-dhaqameedka iyo siyaasadda maamulka SSC-Khaatumo.  Jawaabta uu Boqor Cismaan Buurmadow kaga falceliyay hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ahayd mid sidoo kale uu ugu gefay waalid, kuna eedeeyay qof dambi “xad” lagaga oofiyo marka diinta Islaamka sharcigeeda la dhaqangelinayo.  

“Reer hebel waa nasab-dhiman” iyo “ hebel ma dhalin hebel” ma aha hadallo laga filayay labada madax-dhaqameed. Waxaa wax laga xumaado ah in wadaaddada iyo dadka bulshada xurmada ku dhex ah aysan weli ka hadlin labada meel-ka-dhac ay kala geysteen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow. Waajibka na saaran ku xusan xadiiska Nabi Maxamed “U hiilli walaalkaa marka uu qaldan yahay oo qabo, u hiilli walaalkaa oo taageer marka uu saxan yahay” baynu dhammaanteen dhinac-marnay. Waa in Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Boqor Cismaan Buurmadow ay raalli-gelin buuxda siiyaan dadweynaha Soomaaliyeed, cafisna Eebbe weyddiistaan.

 © Puntland Post, 2024