
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Sulub Axmed Firin ayaa booqasho rasmi ah ku tegey xarunta guud ee Booliska Dunida (INTERPOL).
Qoraal uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Sulub ayuu ku sheegay in uu booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee dalka France.
Xoghayaha guud ee INTERPOL Secretary General Jürgen Stock ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ku soo dhaweeyay xarunta INTERPOL halkaasi oo shir gaar ah ku dhexmaray labada mas’uul.
Labada dhinac ayaa is afgarad ka gaaray Sare u qaadista Xirfadaha Baarista dembiyada, Isticmaalka Keydadka Macluumaadka INTERPOL ee kala duwan iyo iskaashiga howlgalada Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.