Ugu yaraan 17 qof oo ku dhintay mahiigaan ah oo ka da’ay Suudaan

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Suudaan ayaa sababay dhimashada 17 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi.

Khasaaraha ka dhashay roobabkaasi ayaa uga sii daray xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda 16-ki bilood ee lasoo dhaafay.

Korontada ayaa ka maqan magaalada Khartuum, dadkuna waxay ku hoyanayaan meel bannaan ah, iyagoo ka cabsi qaba roob kale in uu ugu yimaado xaaladdaasi.

Ilaa Koow iyo Toban kun oo guri ayaa dumay, sida uu sheegay wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Samiir Sacad ugu yaraan 170 qofna waa ay dhaawacmeen.

PUNTLAND POST