Muqdisho ( Ra’yi ) — Khudbaddii uu Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ka jeediyay madashii ay ku kulmeen ergada Sanaag Bari (Maakhir) waxay ahayd khudbad muujisay meesha uu ka taagan yahay qarannimada Soomaaliya. Wuxuu si dadban u taageeray kala-goynta Soomaaliya. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay khariidad cusub si meesha looga saaro dhulka uu maamulka Somaliland sheegto. Meesha loo marayo ujeeddadaas wuxuu Senator Timacadde ku tilmaamay samaynta maamul ay ku dhan yihiin dadka dega Sool, Sanaag, Togdheer, Nugaal iyo Bari.
Senator Timacadde wuxuu meel kaga dhacay halgankii dadka SSC-Khaatumo iyo Puntland u soo mareen difaaca dhulkooda oo ah hadda mid lahaanshihiisa uusan muran ka taagnayn. Tan kale, Senator Timacadde wuxuu sare u qaaday maqaamka goosasho-doonka waqooyiga oo hadda ay dowladda federaalku u aragto halis amni qaran (national security threat).
Sidee Senator Timacadde u sii meteli karaa dadka SSC-Khaatumo? Waxaa maamulka SSC-Khaatumo la gudboon inuu war-saxaafadeed ka soo saaro hadalka meel-ka-dhaca ah ee ka soo yeeray Senator Timacadde oo muddo-xileedkiisa senatarnimo ay ka hartay labo sano.
Waxaa wax laga xumaado ah inuu Senator Timacadde Shirka ergada Sanaag ku tagay isagoo sheeganaya inuu metalayo maamulka SSC-Khaatumo. Hadalka Senator Timacadde wuxuu ka dhigan yahay hadal lagu taageeray Heshiiska Isfahamka sharcidarrada ah dhexmaray Janaayo 2024 Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed waayo wuxuu ahaa hadal xoojinayay sheegashada maamulka goosasho-doonka ahi sheegto dhulka SSC-Khaatumo. Senator Timacadde wuxuu si aan ka fiirsi lahayn u taageeray mowqifka Muuse Biixi sanadkii hore xilligan ku doodayay inuu dal gaar ah yahay xaq u leh inuu duqeeyo Laascaanood. Dadka SSC-Khaatumo waxaa la gudboon inay ka fiirsadaan dadka ay soo magacaabi doonaan doorashada soo socota si ay u metelaan heer federaal haddii kale waxaa soo baxaya dad la mid ah Senator Timacadde oo xuquuqda meesha laga soo xulay cadaw ku ah.
You must be logged in to post a comment.