Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni ayaa wada qorshe dib u habayn loogu samaynayo dhamaan agaasimayaal waaxeedyadda hay’adaha kala duwan ee dowlada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan isbeddel ku samaynaya dhammaan agaasimayaasha waaxyaha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda
Wasaaradda shaqadda iyo Shaqaalaha oo hordhac u ah qorshahaas ayaa dhamaan agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ku amartay in ay soo gudbiyaan Cv-yadooda iyo warqadaha lagu shaqaalaysiiyay.
Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Puntland ayaa amarkaasi lagu siiyay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka & Maaliyadda iyo Xisaabiyaasha Wasaaradaha iyo sidoo kale Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Puntland.
Halkaan ka akhriso warqadda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.