
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Kismaayo, kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland.
Shirkan oo la filay in uu ka qabsoomo Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ayaa la sheegay in uu u baaqday cudur-daar ka yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo hawla yeeshay.
Sida wararku sheegayaan shirkani ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad goboleedyada mudda xileedkooda dhammaaday oo doonaya in Madaxweyne Xasan Sheekh u fasaxo in ay doorashooyin qabsadaan.
Bishan Agosto ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal, iyadoo Mashruuca Doorashada Qof iyo cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.