
Madaxweyne Siciid Deni ayaa markii u horraysay si faahfaahsan uga hadlay go’aankii xukuumaddiisu degaannada Puntland kaga joojisay isticmaalka shilin Soomaaliga.
Madaxweyne Deni ayaa xalay degmada Buurtinle lagu weydiiyay su’aal ku saabsan go’aankii dowladdu guud ahaan degaannada Puntland kaga joojisay isticmaalka Shilin Soomaaliga kaasi oo aan mudda sannado ah laga adeegsan Puntland.
Madaxweynaya ayaa sheegay in kadib markii la xakamayn waayay sarrifka lacagta shilin Soomaaliga ay go’aankaasi qaateen si loo badbaadiyo dhaqaalaha shacabka Puntland islamarkaana dowladdu ku saxneyd joojinta Shilin Soomaaliga.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dad ku sugan meelo ka baxsan Puntland ay samaysteen lacago been-abuur ah kadibna u soo rareen gudaha degaannada Puntland si ay ugu dhacaan shacabka taasina dowladdu ka hortagtay.
Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Deni
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.