
Ra’iisal wasaarihi Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is casishay maantavwaxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray.
Taliyaha ciidamada General Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay in Hasina oo 76 jir ahi, ay ka baxday dalka, lana soo dhisi doono dowlad ku meel gaar ah.
Warbaahinta dalkaas ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad milateri, waxaana raacday walaasheed. Sheikh Hasina ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay Hindiya la wadaagto Bangladesh.
Muuqaallada taleefishinada ayaa muujinayay kumannaan qof oo ku soo qul qulaya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Dhaka iyagoo aad u faraxsan oo qaylinaya isla markaana sita hal-ku-dhegyo kala duwan. Sidoo kale kumanaan qof ayaa xoog ku galay guriga rasmiga ah ee Hasina.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.