
Saddex xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka al-shabaab islamarkaana dil iyo xabsi daa’im ku kala xukunnaa ayaa xalay ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka ee waqooyiga Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa noo sheegay in markii hore maxaabiista shabaab ee xabsiga ka baxsaday tiradoodu ahayd 12 xubnood balse 9 gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan fakan.
Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha Amniga Puntland ay bilaabeen baaritaan ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka ku xukuman falalka argagixisada ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.