Puntland oo qabatay shabakado argagixiso ah oo hub iyo qaraxyo siday

Ciidamada PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada iyo hubkii ay wateen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in shabakaddaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidanka sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA kadib hawlgal ciidan oo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

” Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri Qoraalka PMPF.

Shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

PUNTLAND POST