
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa farriin digniin ah oo heerkeedu sarreeyo la wadaagtay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka Lubnaan.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu amray Muwaaddiniinta dalkaasi in ay ka baxaan Lubnaan oo ay qaataan tigidhada duulimaadka ee diyaarka ah.
Muwaadiniinta Maraykanka ee doorta in ay sii joogaan Lubnaan waa inay diyaarsadaan qorshayaal degdeg ah oo ay isu diyaariyaan inay heli karaan gabaad muddo dheer ah sida ay digniinta ku xustay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Tallaabooyinkan amni ayaa ku soo aaday xilli ay Xisbullah ku hanjabayso in ay si adag uga jawaabi doonaan duqeyntii Beirut ee lagu dilay la-taliyaha arrimaha militariga ee hoggaamiyaha kooxda, kaa oo ku dhintay duqeyn ay geysatay Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.