Maraykanka oo diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo dheeri ah u diraya Bariga Dhexe

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay, in diyaarado iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah u dirayo saldhigyada uu ku leeyahay Bariga Dhexe, kaddib marki ay Iran iyo xulufadeeda sida Xamas iyo Xisbullah ku hanjabeen in ay u aar-gudi doonaan Ismacil Haniyah.

Bayaan kasoo baxay xarunta Pentagon-ka ee ay ku shaqeyso Waaxda Difaaca ayaa lagu sheegay, in xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin uu ogolaaday maraakiibta ciidanka badda, kuwaas oo awoodi kara in ay soo ridaan gantaallada baalistiga ee ku jawahan Bariga Dhexe ama Yurub.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka lagu xooji doono kuwa hadda ka jooga Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa 13-ki April xoojiyay ciidamada ka jooga Bariga Dhexe, kaddib marki ay Iran gantaallo dhowr ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay Isra’il, iyada oo uga aargudaneysay diblamaasiyiin Iraaniyiin ah oo ay Isra’il ku dishay Suuriya.

PUNTLAND POST