Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga maalinta berri ah booqanaya dalka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa booqashadii u horreysay 3 bishan Agoosto oo berri ah ku tegi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmaya Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo dhiggiisa Itoobiya, Taye Atske Selassie, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli Baarlamaanka Turkiga uu dhowaan ansixiyay ciidamo ka tirsan kuwa badda Turkiga oo xeebaha Soomaaliya loo geynayo, taasi oo ku timid heshiis difaac oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga.

Dhinaca kale Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac.

PUNTLAND POST