Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhaw ka dhacay Xeebta Liibo ee Muqdisho.
Dhimasho iyo dhawaac ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhashay Qaraxaasi oo ka dhacay Xeebta meel aan ka fogeyn Hotelka Beach View oo halkaasi ku yaalla.
Wararka ayaa sheegaya in uu qaraxa fuliyay qof isa soo miidaamiyay balse weli faahfaahin sugan lagama hayo sida wax u dhaceen.
Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas iyo Bambaanooyin ka dhacaya goobta waxaana muuqaallo la soo duubay muujinayaam burbur xooggan.
Warar ayaa intaasi ku daraya in kooxo hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka Beach View oo ay halkaasi weli ka dagaallamayaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.