
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay dilkii maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya.
Dilka Marxuum Ismaaciil Haniya ayaa ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan waxaana dowladda Soomaaliya ku tilmaantay falkaasi mid ka baxsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dilkaasi dhalin karo isku dhacyo hubaysan oo ka bilowday gobolka Bariga dhexe.
“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
“Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay”.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.