Erdoğan oo Xasan Sheekh u xaqiijiyay in uu difaacayo Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xalay Wada-hadal ku yeeshay Khadka Taleefonka sida ay sheegtay Villa Somalia.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wada-hadal Taleefon ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

“Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada”.

PUNTLAND POST