Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Turkigu geli karo Israa’iil si ay u caawiyaan Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Israa’iil, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liibiya iyo Nagorno-Karabakh.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.

“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Kaddib markii Madaxweynaha Turkiga , Erdogan uu ku hanjabay in ay geli karaan Israa’iil, waxaa hadal hanjabaad ah ugu jawaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil.

Wasiirka ayaa bartiisa X ku baahiyay sawirka Erdogan iyo Saddaam Xuseen oo uu ku soo dul qoray; “Erdogan ayaa raacay waddadii Saddaam Xuseen, wuxuuna ku hanjabay inuu weerari doono Israa’iil. Kaliya ha xasuusto wixii dhacay iyo sidii ay ku dhammaatay.”

PUNTLAND POST