Axmed Guure: Horseede Saxaafadda Soomaalida ee Internetka

Marxuum Axmed Guure kaalin la xusuusnaan doono ayuu ku leeyahay warbaahinta Soomaalida ee Internetka.

Axmed Xaaji Cilmi Guure oo xalay ku geeriyooday dalka Kanada wuxuu, dagaalka ka hor, ahaa duuliye tababbaran, oo markii dambe u asaasay mareegta Hiiraan Online oo kaalin weyn ka geysatay soo gudbinta wararka Soomaaliya xilli Internetku uu aad ugu cusbaa Soomaaliya. Hiiraan Online waxay noqotay warbaahin magac weyn ku leh saaxafadda Soomaalida ee Internetka.

Qurbejoogtu waxay u baahnaayeen warar sugan oo ku saabsan Soomaaliya waayo Laanta Af Soomaaliga xilligaas lagama dhagaysan kari jirin Waqooyiga Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa ka hor inta aan saxammada telefishinka (satelleite dishes) aysan noqonin kuwo sahla dhegeysiga Laanta af Soomaaliga ee BBC oo sanadkii 2000 yeelatay mareeg u gaar ah.

Bahda Puntland Post waxay tacsi u dirayaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Axmed Guure oo muddo 25 sano ka badan hagayay Hiiraan Online. Waxaannu rajeynaynaa in dhaxalkiisa halkaas laga sii wadi doono. innaa Lillaahi waa innaa Ilayhi raajicun.

© Puntland Post, 2024