
Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan wuxuu sheegay in lagu casuumay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas inuu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Turkiga
“Waa inuu marka hore naga raalli-geliyo. Waanu ku casuunnay balse ma uu iman. Aan aragno inuu iman doono iyo in kale,”ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan.
Turkiga , wuxuu iskaashi wanaagsan la leeyahay Xamaas, illaa xisbiyada Turkiga ay billaabeen olole ay ku doonayaan in Baarlamaanka uu hadal u jeediyo Ismaaciil Haniya , madaxa siyaasadda Xamaas, kaa oo ay u arka cidda mateli karta Falastiiniyiinta.
Halkaasi oo ah meesha ay isku diiddanyihiin Cabbaas iyo Turkiga , sababtoo ah ma uu doonayo in lala tartansiiyo ururrada kale ee Falastiiniyiinta, taa oo jirta ma uu heysto codka Falastiiniyiinta.
Erdogan , oo ka fogaanaya cadaadis kaga yimaada Carabta iyo reer galbeedka ayaa u doorbiday Cabbaas, halkii uu sheegi lahaa Haniya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.