Sheekh Shariif oo dhaliil xoogan u jeediyay dowladda uu hoggaamiye Xasan Sheekh

Madaxweynihii hoe ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag ugu hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo siyaasadda.

Wuxuu sheegay in umadda Soomaaliyeeed kalsoonidiii dhexdooda taalay ay dhaawacantay, Al-shabaabna ay intii waagii hore ka xoogan yihiin, sidaas darteed ay adag tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Shariif ayaa tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay ku guuldareysatay in ay xaliso dhibaatooyinka amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira dalka, taas oo keentay in ay sii xumaadaan xiisadaha qabaa’ilka iyo dagaalada.

Wuxuu sheegay in wax ka baddelka dastuurka uu khatar ku yahay xasilloonida iyo midnimada qaranka, uuna keeni karo isku dhacyo iyo khilaaf hor leh.

Wuxuu ugu baaqay dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee siyaasadda in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa midnimo iyo wadajir, taas oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo horumar iyo nabad waarta.

PUNTLAND POST