Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaacabay wasiiro cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada  97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) –  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

PUNTLAND POST