Madaxweyne Deni oo booqasho ku tagay Godobjiraan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal, waxaana si diiran ugu soo dhawaayay dadka deegaanka.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ayaa inta aysan gaarin degmada Godobjiraan waxay ku hakadeen deegaanka Warguduud, halkaas uu kulan kula qaatay bushada deegaankaas.

Madaxweyne Deni oo markii ugu horreysay booqday Godobjiraan ayaa sheegay in degmada Godobjiraan ay u yimaadeen in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira oo ay muddo maqlayeen, wuxuuna xusay in muddo laba bari ah ay ku sugnaan doonaan degmada.

Degmada Godobjiiraan oo ka mid ah degmooyinka aadka ugu fog laamiga baahiyaha bulshaduna aad u hoosayso ayaa 23 July 2024 waxaa ka dhacday doorasho qof iyo ah oo lagu soo doortay golaha deegaanka degmadaas.

PUNTLAND POST