Macallin lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Jariiban ee gobalka Mudug

Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo macallin ka ahaa dugsiga hoose iyo dhexe ee tuulada Seemade ayaa shalay lagu dilay deegaankaas oo hoostaga degmada Jariiban ee gobalka Mudug.

Nin ku hubeysnaa qori AK47 ah ayaa la soo wariyay in uu dilay marxuumka, xilli uu isu diyaariyay inuu khudbada jamcaha ka jeediyo masjid ku yaalla deegaankaas, iyadoo uu baxsday ninka dilka gaystay oo aan weli gacanta lagu hayn.

Meydka marxuumka ayaa xalay la keenay magaalada Gaalkacyo, iyadoo sida la sheegay ehelada marxuumka oo reer Awdal ah ay codsadeen in tallaagad lagu hayo inta ay ka imanayaan.

Laamaha ammaanka gobolka Mudug iyo wasaarada waxbarashada Puntland ayaa weli ka hadlin falkan foosha xun ee lagu dilay macallin Cabdiraxmaan Muuse Ducaale oo markii hore gobolka Awdal uga yimid si uu wax u baro dhallaanka deegaanka Seemade.

PUNTLAND POST