Ma xog la’aan baa haysa Xildhibbaannada baarlamaanka federaalka?

Xildhibaan Bashiir wuxuu sheegay inuu dhowaan ku arkay Xalane sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya.

Muqdisho (Faallo PP) — Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa maanta sheegay inuu dhowaan ku arkay Xalane sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya. Hadalka xildhibaanka xog la’aan ayaa ka muuqata sababo dhowr ah awgood. 1- Sanaadkii 2023 waxay dowladdda federaalka Soomaaliya la saxiixatay Itoobiya heshiis sir wadaagis uu saxiixay madaxii hore ee NISA Mahad Salaad. 2- Diseembar 2023 waxay dowladda federaalku la saxiixatay Itoobiya heshiis gashaandhig (defence pact). Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska saxiixay.

Xildhibaannada Barlamaanku way taageereen labadaas heshiis. Aamusnaan ayay ku taageereen. Labadaaa heshiis waxay ku abuureen Itoobiya damac ah in ay qaadan karto bad Soomaaliyeed. Sideedaba xildhibaannada baarlamaanku tan iyo 2014 way taageersanayeen in Itoobiya ciidankeeda lagu soo celiyo Soomaaliya inkastoo go’aankaas u jebinayay heshiiskii ay saxiixeen Isbahaysigii Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Dowladdii ku meelgaarka 2008.

Wasiir Fiqi wuu og yahay in dowladda uu ka tirsan yahay ay la saxiixatay Itoobiya heshiis difaac iyo heshiis sir wadaagis.

Weerarka siyaasadeed uu Xildhibaan Bashiir ku qaaday siyaasadda dowladda federaalka, iyo weerarka uu Wasiirka Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ku qaaday Itoobiya markuu khudbad ka jeedinayay shirkii qurbejoogta Soomaalida ka dhacay Qatar labduba ma xusin sifada sharciga ah oo ay ciidammada Itoobiya ku joogaan Soomaaliya.
Ma jiro siyaasi dhaliilay siyaasadda in ciidanka Itoobiya dalka lagu soo celiyay. Wasiir Fiqi waxay ahayd inuu marka hore dhaliilo siyaadadda dowladda uu ka tirsan yahay oo Soomaaliya ka dhigtay ku tiirsanaha ciidammada Itoobiya. Haddii sida Fiqi sheegay “ay ciidammada Itoobiya ka bexeen Soomaaliya iyaga oo cagaha ka dhiigaya” yaa oggolaaday in Itoobiya ciidankeeda lagu soo celiyo Soomaaliya?

Sanadkii 2006 Itoobiya waxay cuskatay sababo is difaac, yaa leh eedda in ciidammo Itoobiya ay hadda Soomaaliya ku sugan yihiin iyo in weli heshiiska difaaca iyo heshiiska sir wadaagista ay weli jiraan? Sababtee ayay dowladda federaalku heshiis difaac ula gashay Itoobiya oo doonaysa inay qabsato qeyb ka mid ah Soomaaliya?

Waxay u eg tahay in madaxda Soomaaliyeed aysan runta isu sheegaynin. Siyaasiyiinta Muqdisho fadhiisinka siyaasadeed ay u tahay marnaba kama hadlin in ciidanka Itoobiya dalka loogu soo celiyay sifo sharcidarro ah iyo in aan laga baaraandegin heshiiska difaac iyo heshiiska sir wadaagis ay dowladda federaalku sanadkii 2023 la saxiixatay Itoobiya. Dowladdu waxay u dhaqantay sida jabhadihii ku tiirsanaa Itoobiya ka hor 1991.

© Puntland Post, 2024