Muhaajiriin raba in ay lug ku galaan Maraykanka oo gaaray dalka Mexico

Muhaajiriin ka badan 2,000 oo qof oo isugu jira dumar, rag iyo carruur oo si saf ah isula socda oo lugeynaya, ayaa Talaadadi kusoo dhex hadaafay deegaannada koofureed ee dalka Mexico, iyaga oo raja ka qaba in ay soo galaan dalkan Mareykanka.

Dadkaan oo ka kala yimid dhowr waddan oo u badan bartamaha iyo koofurta Ameerica, ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay Mareykanka kasoo galaan xadka koofureed ee uu la wadaago Mexico, ka hor inta aanan la gaarin bisha November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada.

Qaarkood ayaa wariyaasha u sheegay in ay cabsi ka qabaan in ay awoodi waayaan in ay soo galaan Mareykanka, haddii uu doorashada soo socota ee madaxtinimada ku guuleysto Donald Trump. Trump ayaa wacad ku maray inuu dadka magan-galyo doonka ah ka xiri doono xaduudaha Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay, in xeyntan dadka ah ay saaka ka hor waabari ka soo ruqaansadeen magaalada Tapachula, si ay uga baxsadaan kuleelka daran ee xilliga jiilaalka, waxay rajeynayeen in ay maalinta oo dhan ku jaraan masaafo dhan 20 mayl.

Waxay isugu jireen qoysas wata carruurtooda, dad da’ah iyo dhalinyaro gabdho iyo wiilal ah. Qaar kale ayaa ku haray wabiga Suchiate River Axaddii, kaas oo kala qeybiya xadka dalalka Guatemala iyo Mexico.

PUNTLAND POST