
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada degmooyinka Dangoroyo iyo Godobjiraan ee gobolka Nugaal.
Xisbiga Kaah ayaa xildhibaannada golaha degaanka degmada Dangoroyo ka helay 9 xubnood halka xisbiga ku soo xiga ee SINCAD uu helay 6 xubnood sida uu sheegay guddiga doorashada.
Xisbiga Horseed ayaa helay 5 xildhibaan halka xisbiga Mideeye helay 3 xildhibaan waxaana ku xiga xisbiga RUNCAD oo helay 2 xubnood halka xisbiyada Shaqaalaha iyo Ifiye heleen min hal xubin.
Xisbiga Kaah ayaa dhinaca kale degmada Godobjiraan ka helay 7 xildhibaan halka xisbiga Horseed ka helay 6 xildhibaan waxa ku soo xiga xisbiga Mideeye oo haysta 5 xildhibaan halka SINCAD uu ka helay 2 xildhibaan Ifiyana hal xubin.
Natiijada la shaaciyay ee labada degmo (Dangoroyo iyo Godobjiraan) ayaa muujinaya in uusan jirin xisbi helay aqlabiyad uu keligii ku dhiso gole degaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.