Heshiis Iskaashi Ciidan oo Maanta Dhexmari Doonaa Jabuuti iyo Faransiiska

Warsidaha Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in maanta uu heshiis iskaashi difaac dhexmari doono dalalka Jabuuti iyo Faransiiska. Heshiiskaas oo jiri doona 10 sano wuxuu qeyb ahaan ku saabsan yahan in 1500 oo ka tirsan ciidanka Faransiiska ku sii sugnaadaan dalka Jabuuti, Heshiiska oo diyaarintiisu ay socotay muddo seddex sano wuxuu ku beegamayaa xilli Badda Cas ay ka jiraan xiisado colaadeed iyo isku dayga in itoobiya ay si xoog ah ku hesho deked ku taalla Badda Cas.

Macron iyo Geelle ayaa heshiiska saxiixi doona.

Gorfeeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika ayaa heshiiska ku tilmaamay mid muujinaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kaalin ku lagaa dedejinta heshiiska si uu uga hortago halis kaga iman karta Itoobiya oo laga yaabo inay colaad ka aloosto Geeska Afrika hase ahaatee go’doonsan diblomaasiyad ahaan.

Ciidammada Faransiiska ee ku sugnaan doona Jabuuti waxaa loo yaqaannaa FFD. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa heshiiska saxiixi doona.

© Puntland Post, 2024