Dowladda Uganda oo ciidamo ku soo daadisay caasimadda dalkaasi ee Kampala

Dowladda Uganda ayaa ciiddamada qalabka sida saaka ku soo daadisay goobaha muhiimka ah ee magaalada Caasimadda ee ah ee Kampala.

Ciidamada ayaa loogu tala galay in ay ka hor tagaan bannaan baxyo ay qorshaynayaan dhallinta dalkaasi ku dhaqan.

Ciiddamadan oo aad hubaysan ayaa si gaara u ilaalinaya Xaruunta Baarlamaanka halkaas laga cabsi qabo in ay xoog ku galaan dhallinyarada ka soo hor jeedda habka dalkaas loo maamuulo.

Uganda ayaa noqonaysa dalkii labaad eeBariga Afrika ku yaalla ee ay sannadkan dabyalaha is beddel doonku gaadhaan ka dib dalka Kenya oo ay Dhallinyaradu xoog ku hor is hor taagtay xeerkii kordhinta cashuuraha.

PUNTLAND POST