Puntland: Habraaca Amniga doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal oo la shaaciyay

Guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa galabta shaaciyay habraaca Amniga doorashada saddexda degmo ee Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo.

Warqad ka soo baxday guddiga doorashada PEC ayaa lagu sheegay in doorashadu bilaaban doonto 6:00am ee subaxnimada berri ah oo ku beegan 23 July, ayna xirmo doonto 6:00pm makhribnimo.

Guddiga PEC ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan laga joojiyay goobaha doorashadu ka dhacayso dhaq dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ciidanka aan shaqada doorashada ku jirin.

Goobaha cod-bixinta ayaa sida guddigu tilmaamay waxa ka reebban in ay soo galaan cid aan wadan kaararka aqoonsiga ee PEC iyo kuwa codaynta muwaaddinka.

Astaamaha ololaha xisbiyada ayaa sidoo kale ka reebban goobaha cod-bixinta, sida ku cad habraaca doorashada ee ka soo baxay guddiga PEC, kaasi oo la faray in ay dhaqan-geliyaan Booliska.

Halkan ka akhriso Habraaca

PUNTLAND POST