
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso in lagu dilay in ka badan 80 maleeshiyaadka al-Shabaab ah saddex weerar oo ay saaka kusoo qaadeen Buulo Xaaji, Harboole iyo Baar Sanguuni.
In ka badan 80 Shabaab ah oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen degaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.
“Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan”.
“Ciidamadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.