Waxaa xaqiiqo ah in wixii khiyaamo, musuqmaasuq, been iyo wax is-daba-marin ku bilowda ay ku dhammaan doonaan fashil, burbur iyo guul-darro goor ay noqotaba. Waxaa jirta xigmad oranaysa: ‘Alifkii kaa xumaada, Al-bakhra buu ku dhibaa’.
Dad ayaa ku andacooda ‘waxna iyagoo dhammeystiran oo qurux badan ma bilowdaan, marka waa in doorashada Puntland meel uun laga bilaabo’. Doodani waxay ku xirantahay waxa markaa la bilaabayo nooca ay yihiin, saameynta, mugga, muhiimadda iyo miisaanka ay nolosha bulshada ku yeelan doonaan waqtiga dhow iyo muddada fogba. Haddii doorashada aan ku masalno sida dhisme dabakhyo laga rabo oo hadba wax lagu darayo, maxaa loo baahanyahay? Muxuu ku dambeynayaa haddii dhismaha noocaas ah aan loo yeelin rukummadii ama aasaaskii saxda ahaa oo uu ku istaagi lahaa? Wax kasta inay jidka saxda ah ku bilowdaan haba yaraatee waa lagama maarmaan haddii la rabo in la sii kobciyo, wax lagu daro, lana sii hagaajiyo. Dhaqan-xumada xildhibaannada la gato waxay ku bilaabantay si fudud oo qarsoodi ah iyo qiimo yar! Haddana waxay noqotay suuq furan oo la aqbalay, laguna sii xisaabtamo, nolosha ka mid noqday, shacabkuna waxba ka qabin. Waxaa shaaha lagu cabbaa “intee hebel bixiyay, intii hebel qaatay?” Suuq-geyn iyo guryaha waa-weyn oo dillaaladu is-daba-marayaan damiir xumo iyo ceeb looma arko!
Su’aalaha mudan in la is-weydiiyo oo shacabka wax doorta ee la leeyahay ay tahay in lagu baraarujiyo, lana fahmo waxaa ka mid ah:
• Maxaa doorasho qof iyo cod ah?
• Qof iska dooran ma la doortaa?
• Maxaa xisbi ah?
• Maxaa sharci ah? Maxaase sharci-darro ah?
• Yay awoodda siyaasadeed iyo shuruucdu gacanta ugu jiraan?
• Maxaa la isku dooranayaa? Maxaadse qof u dooranaysaa?
• Yaa wax doorta ama codeyn kara? Yaanse codeyn karin?
• Doorashadu maxay noloshaada ka beddelaysaa?
Waxaa la yiraahdaa ‘RUNTU waxba kama qabto in su’aalo la is-weydiiyo laakiin BEENTU ma jecla in wax la is-weydiiyo ama lagu dhiirrado‘!
Waxaa shacabka reer Puntland caado u noqotay inaysan ku dhiirran, kana hadli karin musuqmaasuqa, siyaasad xumada, awood ku takri-falka, been isku sheegga, damaca iyo danaha shakhsiga ama shakhsiyaad gaarka ah oo ka korreeya, ka muhiimsan, ka mudan kana weyn danta guud iyo nolosha shacabka la filayay in dawladnimada iyo is-doorashada loogu adeego. Haddaba dhaqankaani waa sidii gabaygii Hadraawi ee ay ku jirtay: “Dadku yuu ku eedayn, ha dhex-gelin ammuuraha, isha xidho afkana dhawr, arag maqal, warkana ood”! Su’aashu waxaa weeye shacabka reer Puntland goormuu ku baraarugayaa ama dadku yeelanayaan awood ay ku muujiyaan dareenkooda ku aaddan inaan hal qof ama koox dan wadaag ah aysan isku dhiibin, dadka iyo dalkuna hal shakhsi iyo koox ahayn loogana faa’iideysan arrimaha ku xeeran siyaasadda mooryaannimada ku socota ee Soomaliya/Federaalka, fakhriga, jifeysiga iyo jahliga!
Qore: Ruqiya Aw-Maxamed Faarax
You must be logged in to post a comment.