
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo saaka ka dhacay degaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubada hoose kaasi oo dhexmaray ciidamada Jubaland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dagaallamayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada Jubaland ku leeyihiin degaanka Buulo Xaaji halkaasi oo uu ka dhacay dagaalka labada dhinac.
Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ku sugan degaanka Buulo Xaaji ayaa sheegay in ay si ba’an dagaalka ugu jebiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Jubaland waxay soo bandhigeen maydad tiro badan oo ay ku sheegeen dagaallamayaashii Al-shabaab ee ay dagaalka ku dileen sidoo kale waxay soo bandhigeen hub u badan qoryaha fudud oo sida ay tilmaameen laga furtay kooxdaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.