
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir-guddoomiyay Fadhigii 3-aad ee Kal-fadhiga 2-aad Golaha Baarlamaanka.
Ajendaha Fadhiga maanta oo ahaa Uqaadista Codka Kalsoonida Wasiirada magacaaban ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Ugu horayn Wasiirada magacaaban ayaa xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ka hor jeeday taariikh nololeed-kooda oo kooban, heerka aqoonta iyo khibrada shaqo ee ay leeyihiin, iyo waxa ay qaban doonaan hadii ay ka helaan codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka SSC-Khaatumo, waxayna ka codsadeen Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka in ay siiyaan Codka Kalsoonida.
Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida uu dhigayo Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo Qodobkiisa 11-aad Faqradiisa 3-aad xarafka D, iyo Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka Qodobkiisa 49-aad, ayaa Codka kalsoonida u qaaday wasiirada magacaaban ee Maamulka SSC-Khaatumo,
Guntanka/Kooramka Fadhiga maanta oo ahaa (32 Mudane) waxaa Oggol ku Codeeyay (32 Mudane), Diidmo iyo Cid Ka’aamustay ma aysan jirin.
Ugu damayn Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa fadhigii maanta soo xidhay isagoo uga mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo sida wanaagsan oo ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.