Xuutiyiinta Yemen oo si deg deg ah uga jawaabay weerarkii Israa’iil ee Xudeyda

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si deg deg ah uga jawaabay weerarradii ay Israa’iil ka geysatay magaalada Xudeyda, kaddib markii weerareen magaalada ay ku taal dekedda ugu muhiimsan Israa’iil ee Eilat.

Xoogagga Xuutiyiinta Yemen oo ka jawaabaya weerarkii Israaiil ee dekedda Xudeyda ayaa tiro gantaallo u direy gudaha Israaiil kuwaasi oo qaarkood ku dhaceen magaala xeebeedda Eilat inkasta oo aan la soo werin khasaare.

Ciidanka Israa’iil , ayaa xaqiijiyay in qaraxyo ka dhaceen magaalada ay ku taal dekedda badda cas ee Eilat waxaana warbixin ay baahiyeen lagu sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxyada ka dhacay Eilat.

Israa’iil oo cabsi ka qabta gantaallada Xuutiyiinta ayaa durba bilowday diyaar-garow iyo difaac gelis waxaana heegan la geliyey maamullada dekedaha, garoommada diyaaradaha iyo tareennada.

PUNTLAND POST